HOR DHAC: Waqooyiga Ireland Vs. Ukraine

ukraine-northern-ireland-badge-preview-graphic-euros-euro-2016_3483761

(Marseille) 16 Juunyo 2016. Labada xul oo ku jira Group C mid waliba waxa ay dooneysaa in ay gaarto guushii ugu horeeysay ee tartanka.

Ukraine waxaa 2-0 uga badisay Germany halka Waqooyiga Ireland ee ay waji gabax 1-0 kala kuleen Poland.

 

WARARKA LABADA XUL

–    Craig Catchart waxa uu ka soo kabaday jug isaga oo ku soo bilowday kulankii Poland  waana u diyaar kulankan.

– Paddy McNair waxaa la soo saaray qeybtii dambe si ay u heleen weerar dheeri ah kana sidoo kale guul daraddii kaddib duulaanka ay xooga saari doonaan.

-Intaas kaddib isla safkii ayey u badan tahay in ay la yimaadaan gegida.

-Ukraine dhinacooda wal wal badan oo dhaawac ah ma qabaan waxa ayna la soo shir tagi karaan isla 1-kii kulankii hore.

LA SOCO…..

-Waqooyiga Ireland waligood kama aysan adkaan Ukraine (Laba guul daro iyo laba bar bar dhac).

-Waqooyiga Ireland waligood gool kaliya ay ka dhaliyeen Ukraine afarta jeer ee ay is arkeen; goolkaas waxa u yimi 1997 kulan is reeb reebka aduunka ahaa waxaana looga badiyey 2-1.

-Ukraine halka mar oo ay hore uga soo qeyb galeen Euro-ga waxa ay ku hareen heerka Group-yada sanadii 2012, Shevchenko waa ciyaaryahanka kaliya ee laba gool tartankan uga dhaliyey.

SAFAFKA LA FILI KARO

Ukraine: Pyatov; Fedetskiy, Khacheridi, Rakitskiy, Shevchuk; Stepanenko, Sydorchuk, Kovalenko; Yarmolenko, Konoplyanka; Zozulya.

Northern Ireland: McGovern, McLaughlin, Cathcart, Evans, McAuley; Ferguson, Dallas, Davis, Norwood; Lafferty, Washington.

 

Gegida: Stade Vélodrome

Saacadda Geeska Africa: 7pm

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close