HOR DHAC: Germany Vs. Poland

germany-poland-badge-preview-graphic-euros-euro-2016_3483759

(Saint-Denis) 16 Juunyo 2016. Germany waxa ay isha ku haysaa in ay noqoto xulkii labaad ee u soo baxa wareega 16-ka ee Euro 2016 kaddib France  waa hadii aysan Wales ka badin England madaama martigaliyeyaasha France ay xalay xaqiijiyeen booskooda.

Sidoo kale Poland ayaa wareega 16-ka beegsan karta hadii ay ka adkaato Germany kulan loo arko fardaha mad madow.

WARARKA LABADA DAL

-Kulankan waxaa seegi kara Mats Hummels taas oo ka dhigan in Shkodran Mustafi oo daafaca dhexe ku wehelin doono partner Jerome Boateng.

–    Jogi Low waxa uu safi karaa isla kooxdii 2-0 uga badisay Ukraine.

– Mario Gomez keydka ayuu kol kale ka soo muuqan karaa walow dhaliyaha Besiktas uu bilow raajicinayo.

-Poland waxaa shaki uga jiraa goolhaye Wojciech Szczesny oo dhaawac cajirka ah soo gaaray walow isaga loo badinayo in uu biraha dhexdooda ilaaliye ka noqdo.

-Hayeshee, Poland isla koox aan tii hore ka badalneyn ayey uga hor imaan karaan Germany.

LA SOCO……

-Poland mar qura ayey ka badisay Germany 20 jeer oo ay is arkeen. (6 bar baro iyo 13 guul daro).

-Hase yeshee, Poland halmar oo kaliya ayey guul daro kala kulantay Germany afartii jeer ee isugu dambeeysay.

-Poland waligooda tartan weyn ugama aysan badin Germany (1 bar bar dhac iyo saddex guul daro), waana koobka aduunka iyo Euro-ga.

-Labadii gool ee uu ka dhaliyey Podolski 2008-dii ayey ahayd marka kaliya ee ay hore Euro-ga ugu kulmeen waana kulankan qura ee ay Poland wax gool ka badan tarankan looga adkaaday.

-Germany laba jeer oo kaliya ayey guul daro la kulantay 10-kii ugu dambeeyey koobka qaramada qaarada Europe (Fiinaalihii 2008 iyo afar dhamaadkii 2012, waxaa ka kala badiyey Spain iyo Italy.

-Germany halmar oo kaliya aysan gool tartankan ka dhalin 13-kii ugu dambeeyey waana fiinalihii 2008 (1-0 waxaa uga badisay Spain).

-Poland 1-0 ayey Waqooyiga Ireland uga badisay furitaankii tartankan, waxa ay soo af jartay lix kulan oo badis la’aana ah koobka qaramada qaarada Europe halka sidoo kale ay shabaqa ilaashatay markii ugu horeeysay.

– Lewandowski laba gool ayuu ka dhaliyey Germany saddexddii mar ee uu wajahay Germany, kulankii W. Ireland xitaa ma uusan sameyn gool beegsi (On Target).

-Mezut Ozil waxa uu diiwaan gashaday sideed caawin Euro 2012 iyo labadii koob ee aduun, waana tiro ka badan ciyaaryahan walba.

SAFAFKA LA FILI KARO

Germany: Neuer; Höwedes, Hummels/Mustafi, Boateng, Hector; Kroos, Khedira; Müller, Özil, Draxler; Götze.

Poland: Fabiański; Piszczek, Glik, Pazdan, Jędrzejczyk; Błaszczykowski, Krychowiak, Mączyński, Kapustka; Milik, Lewandowski.

Gegida: Stade de France

Saacadda Geeska Africa: 10Pm

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close