TIISHKA afka la isaga tiro ayuu ku saxiixay heshiiskiisii ugu horreeyay, 44-ilbiriqsi ayuu ku qaatay kaarka CAS kulankiisii ugu horreeyay ee Argentina..(Aqrsio waxyaabo aadan ka garaneyn Lionel Messi)+SAWIRRO iyo MUUQAAL

meesi

(Catalonia) 15 Juunyo 2016. Waxaa daaha laga rogay in xiddiga Lionel Messi uu heshiiskiisii ugu horreeyay ee Barcelona uu ku saxiixay TIISH warqada afka lagu tirtirto.

Waxaa la arkaa inaad wax badan ka garaneyso xiddiga reer Argentina ee 5-ta jeer ku guuleystay laacibka ugu fiican adduunka laakiin waxaan kuu heynaa arrinkan cusub iyo 6-waxyaabood oo kale oo aadan ka garaneyn Lionel Messi.

Heshiishkii TIISHKA:

lio

Xoghayihii guud ee Barcelona  Charly Rexach ayaa aad ula dhacay Lionel Messi 7-daqiiqo uun kaddib tijaabadiisii isagoo 13-jir ah wuxuu doonay inuu durba la saxiixdo heshiis.

Goalaso.tv ayaa warinaya in wixii ugu dhawaa ee wax lagu qori karay uu ahaa markaa TIISHKA afka lagu tirtirto oo heshiiska looga saxiixay Messi.

Sawirka jirka (Tattoo) ee kaga sawiran lugta Bidix:

Argentina's Lionel Messi is pictured on the bench before stepping onto the field during the Copa America Centenario football tournament match against Bolivia in Seattle, Washington, United States, on June 14, 2016. / AFP PHOTO / Jason REDMONDJASON REDMOND/AFP/Getty Images

Xirfadiisa ayuu u huray, Messi ayaa kubbad (BANOONI) ku sawiray lugtiisa bidix, wuxuu sidoo kale dhabarkiisa ku sawiray wajiga hooyadiis ku darso wiilkiisa Thiago ayaa gacanta uga sawiran.

44-ilbiriqsi ayuu kaarka cas ku qaatay kulankiisii ugu horreeyay ee Argentina:

epa01067467 Argentinan striker Lionel Messi shows his disappointment during the victory ceremony in the Pachencho Romero stadium of Maracaibo, Venezuela, 15 July 2007, after Brazil won the Copa America. EPA/LAUTARO CANO

Wuxuu kaarka CAS ku qaatay Lionel Messi kulankiisii ugu horreeyay ee xulka Argentina 44-ilbiriqsi oo kaliya isagoo 18-jir ah, badel ayuu ku yimid ciyaarta daqiiqadii 63-aad kulan ay la ciyaarayeen xulka Hungary, laakiin durbadiiba waa laga saaray garoonka kaddib markii uu suxul ku dhuftay Vilmos Vanczak.

Messi oo wadadiisii marsiyay wiilkiisa Thiago:

Barcelona's Argentinian forward Lionel Messi holds his son Thiago Messi before the Spanish league football match FC Barcelona vs Rayo Vallecano at the Camp Nou stadium in Barcelona on March 8, 2015. AFP PHOTO/ LLUIS GENE (Photo credit should read LLUIS GENE/AFP/Getty Images)

72-saacadood uun kaddib dhlashada wiilkiisa Thiago oo iminka afar jir ah ayaa qandaraas looga saxiixay kooxda Newell’s Old Boys, waa isla kooxdii uu aabihii Messi ka soo bilaabay waayihiisa ciyaareed ee dhalinyaranimo 1994-tii.

Sheekada cajiibka ah ee ka dhexeysa wiilka Messi iyo midka Cristiano Ronaldo:

BARCELONA, SPAIN - SEPTEMBER 24: Lionel Messi of FC Barcelona with his son Thiago walk out the pitch prior to the La Liga match between FC Barcelona and Real Sociedad de Futbol at Camp Nou on September 24, 2013 in Barcelona, Spain. (Photo by David Ramos/Getty Images) MADRID, SPAIN - MAY 08: Real Madrid footballer Cristiano Ronaldo and his son Cristiano Ronaldo Junior watch Rafael Nadal of Spain against Jarkko Nieminen of Finland in their third round match during day six of the Mutua Madrid Open tennis tournament at the Caja Magica on May 8, 2014 in Madrid, Spain. (Photo by Clive Brunskill/Getty Images)

Xiddiga Real Madrid Cristiano Ronaldo ayaa 869-maalmood ka wayn Lionel Messi, waxaase yaab ah in wiilka Ronaldo ee Cristiano Ronaldo Junior uu isna 869-maalmood ka wayn yahay wiilka Messi ee Thiago.

Jaceyl ka soo bilaambay Caruurnimada:

?????????????????????????????????????????????????????????

Lionel Messi ayaa garanayay xaaskiisa, hooyada wiilkiisa ee Antonella Roccuzzo tan iyo markii uu shan jirka ahaa, waxay iskula soo koreen Rosario ee dalka Argentina.

W/D: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close