“Muxuu naga filanayay, ma inaan ula ciyaarnaa sida Barcelona.”. Kari Arnason oo u jawaabay Cristiano Ronaldo

ronaldo

(France) 15 Juunyo 2016. Geesiga xulka Iceland Kari Arnason ayaa u jawaabay Cristiano Ronaldo isagoona ku sheegay inuu yahay mid aan qaadan ama aqbalin guul darrada.

Ronaldo ayaa furka ku tuuray xulka Iceland kaddib bar-barihii 1-1 ay la galeen xalay kulankoodii furitaanka Euro 2016, wuxuuna Ronaldo dhaleeceeyay habka daafaca ku dhisan ay u ciyaarayeen iyo waliba dabaal dagoodii waalida ahaa markii ay ciyaartu dhamaatay oo ku sheegay inuuba mooday inay koobkii qaaadeen sida ay u dabaal degeen.

Sikastaba,  33-jirka Kari ayaa u jawaabay kuna yiri Ronaldo: “Waa mid neceb guul darrada,”.

“Ma rabo inuu guul darreysto kulanka, muxuu naga filanayay innaga ma inaan ula ciyaarnaa sida Barcelona? Dhulkuu isku tuur tuuraa.

“Sida iska cad waxaan ahayn kooxda la maleynayo inay guul darreysanayso, waxaana u ciyaarnay sida kooxda laga adkaanayo, nasiib kuma lahayn inaan guuleysan kulanka.”.

cr2

Mar uu ka hadlayay siyaasadda ay Ronaldo u raacdeen xalay ayuu yiri: “Wax dareen dheeri ah kuma aynaan bixin isaga.

“Sida iska cad qofkastaa og sida uu u fiican yahay isaga, sidaa darteed waa inaad ogaataa meesha uu joogo daqiiqad kasta, laakiin ma jirin wax qorshe oo kulankeena oo si gaar ah ugu xireyno isaga.

“Waxaan ogeyn uun inay tahay inaan ku dhawaano isaga daqiiqad kasta si fiican ayayna u shaqeysay midaa.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close