Goolhayaha Hungry Gabor Kiraly oo rikoor cusub u dhigay Euro 2016

Germany v Hungary - International Friendly

(Paris) 15 Juunyo 2016. Halyeyga Crystal Palace Gabor Kiraly ayaa noqday ciyaaryahankii ugu da’da weynaa ee ka soo muuqda koobka qaramada qaarada Europe.

49 jirka waxa uu jabyey rikoorkii Lothar Matthaus kulankii ay Hungry la ciyaareen salaasaddii Austria.

Hada isaga oo u dheela naadiga Haladas ee dalkiisa, goolhayaha waxa uu noqday mid ay jecelyihiin jamaahiirta iyaga oo ku qiimeeya shaqsiyadiisa, waxa uu sidoo kale xirtaa surwaal dheer marka uu ciyaarayo.

mmmmmm

Kiraly waxaa aad looga yaqaan sanadihii uu Crystal Palace u ciyaari jiray ee u dhexeeyey 2004 -07, laakiin sidoo kale waxa uu u saftay Aston Villa, Burnley iyo Fulham –  halka uu amaan ugu biiray West Ham laakiin kulan uma safan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close