EEG KARTUUNKA MAANTA: Miyuu xalay cabsaday Cristiano Ronaldo?

crr

(France) 15 Juunyo 2016. Kabtanka xulka Portugal ayaan xalay saameyn badan ku lahayn ciyaartii uu xulkiisa Portugal la yeeshay xulka Iceland oo markoodii ugu horreysay taariikhda yimid Euro.

Ninka xooga badan ee reer Iceland ee aktarka ka ah musalsalka Game of Thrones ayaa usbuucii hore ku kaftamay inuu madaxa ka bur-burin doono Cristiano Ronaldo haddii uu xulkiisa gool ka dhaliyo kulankooda furitaanka Euro 2016 ee xalay la ciyaaray.

Hafthor Bjornsso ayaa noqday ninka labaad ee ugu xooga badan tartankii xoog waynayaasha adduunka ee 2014.

Haddaba farshaxamiistaha warsidaha Goal.com ayaa qallinka u qaatay isla markaana KARTUUN maad leh ka sameeyay Ronaldo oo ka cabsaday cago jugleyntii kaga timid xoog waynaha reer Iceland sidaa darteedna saameyn badan u yeelan waayay xalay.

EEG KARTUUNKA:

crr1

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close