EURO 2016: POR VS ICE 1-1…Ronnie & raggiisa oo ka roonaan waayey kooxda reer jasiiroodka ah ee Iceland + Sawirro

(Saint Etienne) 14 Juunyo 2016 – Xulka Portugal ayaa ku garab dhacay xulka yar ee Iceland ee markii ugu horreeysey ka qayb qaadanaya Koobka Qaramada Yurub oo ay ku kala bexeen 1-1.
Xulka Portugal oo goolka ku hormaray waxaa daqiiqaddii 31-aad u saxiixay laacibkooda Nani, waxaase daqiiqaddii 50-aad ka daba geeyayay wiilasha reer Scandinavia oo uu goolka oo ahaa koodii ugu horreeyay ee ay abid ka dhaliyaan Euro u ansixiyey Birkir Bjarnason.
Ciyaartan oo ka tirsanayd Guruubka F oo ka dhacday Geoffroy Guichard ayaa Hungrey ka dhigeysa midda hoggaanka u heeysa wareeggan, halka Portugal iyo Iceland ay min dhibic sitaan.
Gool FM