Didier Deschamps oo keydka uga soo tagi doona Griezmann iyo Pogba kulanka Albania (Arag shaxda uu ku soo gali doono)

(Paris) 14 Juunyo 2016 Tababaraha xulka qaranka Faransiiska ee Didier Deschamps ayaa la sheegay inuu qorshaynayo inuu keydka uga soo tago Pogba iyo Griezmann kulanka habeen dambe ee Albania.

Labadaan laacib ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed aad u liita kulankii France ay 2-1 uga adkaatay xulka qaranka Romania furitaankii Euro 2016.

L’Equipe ayaa baahisay in tababare Deschamps uu badalka labadaan laacib ciyaarsiin doono Martial iyo Coman oo keydka ku soo bilowday kulankii Romania.

Tababare Deschamps ayaa qorshaynaya inuu kubadd abuure ka dhigto Payet isaga oo labada garab ka ciyaarsiin doona Martial iyo Coman halka afka hore uu ciyaari doono Giroud oo dhaliyay goolkii furitaanka Euro 2016.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close