Sababta Lionel Messi uu garka u daystay oo la ogaaday!

(America) 13 Juunyo 2016 Kabtanka xulka qaranka Argentina ee Lionel Messi ayaa la arkay isaga oo gar daystay kulamadii u danbeeyay ee uu ka soo muuqday Copa America.

Wargayska Sport ee aadka ugu dhaw kooxda Barcelona ayaa daaha ka qaaday in Messi uu kula balamay naftiisa inuusan iska xiirin garka ilaa uu ka soo idlaado Copa America.

Messi oo arinkaas wax laga waydiiyay ayaa ku kaftamay in asxaabtiisa xulka qaranka Argentina ay dilayaan haddii uu iska xiiro garka inta uu socdo koobka.

28 jirka reer Argentina ayaa doonaya in xulkiisu uu soo gabagabeeyo nasiib xumada ka haysata kulamada Final-ka kadib markii ay ku guuldaraysteen Final-kii koobka aduunka ee 2014 iyo kii Copa America ee 2015.

Wargayska ayaa intaa ku daray in garka Messi uu nasiib u soo jiiday xulka qaranka 2-dii kulan ee ay ciyaareen, waxaana xusid mudan in kulankii labaad uu 3-leey dhaliyay laacibka reer Argentina.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close