Manchester United oo ku waayi doonta Toni Kroos iyo Paul Pogba heshiis is weydaarisi

(Manchester) 13 Juunyo 2016. Rajadii ay Manchester United ka la hayd la soo saxiixashada Toni Kroos waxaa dili karta baadi goobka ay Real Madrid ugu jirto saxiixa khadka dhexe ee Juventus Paul Pogba.

United waxa ay bartilmaameedyo ka dhigatay Pogba iyo  Kroos iyada oo uu Jose Mourinho doonayo dib u dhiska safka Old Trafford.

Toni Kroos waxaa loo badinayaa in uu aado Juventus

Real Madrid waxa ay bartilmaameedsatay Paul Pogba marka laga yimaado xiisaha Man United
Real Madrid waxa ay bartilmaameedsatay Paul Pogba marka laga yimaado xiisaha Man United

Laakiin hada, Real Madrid waxa ay makaan sare u ka taagan tahay la soo wareegida Pogba, Juventus waxa ay Kroosu qaadan doonta qaab is dhaafsi ah.

Wararka Spain waxa ay sheegayaan in Juventus ay kaliya furi doonto wada xaajoodka Pogba iyo Real hadii ay qaadaneyso laacibka reer Germany.

Marca waxa ay sheegtay in Real lagu wargalin doono in ay bixiso £94million oo lagu daray Kroos si ay u hesho 23 jirka.

Mourinho waxa uu durba ka bilaabay Old Trafford is badalo isaga oo £30million kula soo wareegay daaficii Villarreal Eric Bailly toddobaadkii tagay.

Man United waxa ay dhameystirtay saxiixa daaficii VillarrealEric Bailly
Man United waxa ay dhameystirtay saxiixa daaficii VillarrealEric Bailly

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close