Lukaku oo sheegay in khibradii ay ka soo dhaxleen Wold Cup ay caawa ula soo shir tagi doonaan xulka Talyaaniga

Football Soccer - Belgium v Italy - International Friendly - King Baudouin stadium - 13/11/15Belgium's Romelu Lukaku (L) in action against Italy's Matteo Darmian    REUTERS/Yves Herman

(France) 13 Juunyo 2016. Weeraryahanka Everton Romelu Lukaku ayaa ku booriyay saaxiibadiisa xulka qaranka inay khibradii ay ka heleen koobkii adduunka labo sano ka hor ay u adeegsadaan Euro 2016.

Xulka Belgium ayaa cawa la ciyaari doona kulan xiiso badan oo ka mid ah kulamadooda furitaanka ee wareega Group-yada E xulka Talyaaniga oo khibrad ballaaran u leh tartamada ceynkan ah,

“Tani waa waqtiga, “. Lukaku ayaa sidaa yiri. “Tani waa waqtigii aan wax u sameyn lahayn wadanka. Waxaan khibrad ka heysanaa koobka adduunka.

“Iminka waxaan u baahannahay inaan hubino inaan ku muujino khibradaas koobka Euro, laakin mid sahlan ma noqon doonto, ciyaartoy badan ayaa xilli ciyaareed fiican la soo qaatay kooxahooda waxaan ka dooneynaa kuwaa inay tamar fiican oo badan la yimaadaan xulka.

“Intaa kaddib waxaa diiradda saari karnaa dalkeena, ma sahlanaan doonto midaa maxaa yeelay waxaa ku hor yaala kooxo badan oo fiican.”.

Xulalka Talyaaniga iyo iyo Belgium ayaa caawa marka ay saacada geeska Africa tilmaameyso afar saac habeenimo ayay ku baasan doonaan kubbada garoonka Stade de France.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close