EURO 2016: Sweden iyo Republic of Ireland oo dhibcaha ku heshiiyay+SAWIRRO

(France) 13 Juunyo 2016. Xulalka Republic of Ireland iyo Sweden oo ciyaarayay kulankoodii furitaanka ee Euro 2016 ee Group E ayaa ku kala baxay 1-1.

Qeybtii hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay.

Xulka Republic of Ireland ayaa ku gacan sarreeyay qeybta hore ee ciyaarta iyagoo sameeyay dhowr fursadood isla markaana xakameeyay xulka Sweden gaar ahaan qatarta kabtankooda ee Zlatan Ibrahimovic.

Markii la isku soo laabtay qeybtii labaad ee ciyaarta Ireland ayaa gool qurxoon ka heshay Hoolahan kubbad uu dhinac ka keenay Shane Long oo uu laad jaran dhinac ka dhigay goosha daqiiqadii 48-aad.

Ibrahimovic ayaa helay fursad aan sidaa u halis badnayn isagoo kubbad dhinaca laga soo qaaday lugta la helay balse banaanka ka maray.

Ibra ayaa haddii uu caawa gool dhalin lahaa rikoodh cusub u dhigi lahaa tartanka Euro oo wuxuu noqon lahaa laacibkii ugu horreeyay oo afar Euro goolal ka dhaliya.

Sweden ayaa bar- bareysay ciyaarta daqiiqadii 71-aad kubbad uu ka soo shaqeeyay Zlatan Ibrahimovic waxaana isaga tolay oo shabaqiisa si qurxoon isaga dhaliyay kama gool daafaca Ireland Clark.

Ma jirin fursado kale oo halis ah oo la isku helay wixii markaa ka dambeeyay waxayna labada xul ku heshiyeen inay dhibcaha kala qeybsadaan.

SAWIRRO:

sw11 sw12 sw15 sw16 sw17 sw18 sw2 sw

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close