EURO 2016: BEL VS ITA 0-2…Talyaaniga oo Belgium tumay + Sawirro

(Lyon) 13 Juunyo 2016 – Talyaaniga ayaa guul ku bilowday kulankiisa ugu horreeya ee Guruubka E kaddib markii ay 2-0 iskaga reebeen xulka adag ee Belgium kulan ku qabsoomay gegada Stade de Lyon.

Goolasha wiilasha Antonio Conte waxaa u bilaabay laacibka Emanuele Giaccherini oo ka faa’iidaystey kubad tuuryo ahayd oo aad u caqliyaysnayd oo uu ka helay Alessandro Bonucci daqiiqaddii 32-aad, kahor intii aanu daqiiqaddii 90-aad u labeeynin Graziano Pelle oo kubad laanjo ah oo qurux badan ka helay Candreva.

Wiilasha Marc Wilmots ayaa aad u dadaaley weerar ahaan waxayse ka saa’id calayn kari waayeen baloogga BBC iyo wada shaqaynta Talyaaniga, halka Azzurri ay ka faa’iidaysatey halka ay Belgium ka jilcan tahay oo ah waaxda dambe ee daafaca.

Xulka Talyaaniga ayaa sidaa ku hoggaaminaya wareegga E iyadoo ay min 1 leeyihiin Sweden iyo Ireland, halka Belgium ay o leeyihiin.b

b20 b21 b22 b23 b25

b14 b16 b17 b18 b19

b b11 b12 b13

b4 b6 b7 b9 b10

b1 b2 b3

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close