”Conte waa macallinka ugu wanaagsan Euro 2016” – Costacurta

(Roma) 13 Juunyo 2016 – Daaficii hore ee AC Milan iyo Talyaaniga ee Alessandro Costacurta ayaa rumeysan in Antonio Conte uu yahay “macallinka ugu wanaagsan Euro 2016.”

Costacurta oo haatan khabiir kubadda falanqeeya ka ah Sky Sport Italia ayaa rajo wayn ka muujiyey kulan-bilowga ay caawa fiidkii Talyaanigu la leeyihiin Belgium.

“Waxaannu haysannaa macallinka ugu wanaagsan Euro 2016 wax badan baanan ku kalsoonahay abaabulkiisa xeeladeed,” ayuu yiri Costacurta.

“Xitaa haddii xulka Talyaanigu uusan lahayn tayo fara badan, waxay ila tahay inay Belguim jug gaarsiin karaan, mana la yaabayo haddii ay garaacaan xul kaalinta 2-aad uga jira qiimaynta FIFA.” ayuu raacshey.

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close