BELGIUM VS ITALY: Shaxda & safafka laga yaabo inay caawa kusoo galaan!

(Lyon) 13 Juunyo 2016 – Antonio Conte ayaa caawa wajahaya dalka Belgium isagoo diiradda saari doona awoodda ay kooxdiisu kusoo saari karto inay wadar-ciyaaraan isagoo dabakhaya shaxda 3-5-2 si uu u kala jiido daafaca Belgium, wuxuuna sidoo kale u wareegi karaa 3-4-3 ama 3-3-4.

Weerarka waxay u badan tahay in lagu arko Pellè iyo Eder, kan dambe waloow uu bandhig xumo ku dhamaystey qaybtii dambe ee uu fasalkan ku qaatay Inter Milan waxaa misna aad ula dhacsan macallin Conte, waloow uu Zaza u muuqdo nin macquul ah. Daafacu waa baloogga Juventus ee Bonucci-Chiellini-Barzagli oo uu Buffon ka dambeeyo.

Belgium wax lala yaabaa ma jiraan Mertens waa safka hore, Nainggolan iyo Witsel waa xajiyayaasha khadka dhexe, halka Hazard iyo De Bruyne ay kaabayaan Lukaku.

BELGIUM-ITALY: TOOS 21:00 (Shaxda laga yaabo)

BELGIUM (4-2-3-1) – Courtois; Denayer, Alderweireld, Vermaelen, Vertonghen; Nainggolan, Witsel; Mertens, De Bruyne, Hazard; Lukaku.

Macallin: Wilmots

ITALY (3-5-2) – Buffon; Barzagli, Bonucci, Chiellini; Candreva, Parolo, De Rossi, Giaccherini, Darmian; Eder, Pellè.

Macallin: Conte

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close