Vincent Kompany oo ciyaartii England oo dhamaan kahor Twitter-kan ku qiimeeyey!

vincent-kompany-tweet

(London) 12 Juunyo 2016. Kabtanka Manchester City Vincent Kompany ayaa si sax ah u duqeeyey England kulankii xalay – isaga oo aanba dhamaan, waxa uu ku tilmaamay in ay sidii Tottenham-tii 2015-16 u ciyaarayeen!

Waxa uu Twitter-ta soo qoray qeybtii nasashada, laacibka Belgium waxa uu cadeeyey in saddexdda Libaax ay u yara muuqdeen Spurs!

Iyada oo ay ku soo wada bilowdeen kulanka Harry Kane, Dele Alli, Kyle Walker, Eric Dier iyo  Danny Rose, 30 jirka waxa ay qiimeyntiisa ahayd mid bilaa dambi ah.

England waxaa la bar bareeyey waqtigii dheeriga ahaa ee ciyaarta kaddib markii uu hogaanka darbo xor ah ugu dhiibay Dier.

Tolow miyuu ogaa waxa dhici rabay?

Capture

-England miyaa u ciyaareysa sida Spurs mise Spurs ayaa sida England ah?

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close