UEFA oo war rasmi ah ka soo saartay tacadiyadii taageerayaasha xulka qaranka Ruushku ay sameeyeen xalay

(Paris) 12 Juunyo 2016 Taageerayaasha xulka qaranka Ruushka ayaa xalay sameeyay waxyaabo ka baxsan anshaxa kubadda cagta kadib markii ay feer iyo faralaab kala daaleen taageerayaasha xulka ingiriiska

Kulanka labadaan xul ayaa ku soo idlaaday 1-1 laakiin banaanka iyo gudaha garoonka ayeey isku farasaareen taageerayaasha labada xul.

Xiriirka kubadda cagta yurub ee UEFA ayaa shaaca ka qaaday inay dacwad ku soo oogeen xiriirka kubadda cagta dalka ruushka kadib markii taageerayaashoodu ay sameeyeen dhaqamo midab takoornimo ah iyo adeegsiga shumacyada la holciyo.

UEFA ayaa intaa ku dartay in dacwadaan ay tahay mid ku kooban oo kaliya xiriirka kubadda cagta dalka ruushka isla markaana xiriirka kubadda cagta ingiriiska uu banaanka ka yahay dacwadaas.

UEFA ayaa ku soo gabagabaysay hadalkeeda in go’aanka kama danbaysta ah ay soo sari doonaan talaadada nagu soo aadan kadib marka ay baaritaano ku sameeyaan sidii ay wax u dheceen.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close