SAWIRRO: Funaanadda 3-aad ee AC Milan oo lasoo bandhigay

(Milano) 12 Juunyo 2016 – Funaanadda 3-aad ee kooxda AC Milan ay ku ciyaarayso fasal-ciyaareedka 2016-2017 ayaa saxaafadda loo dusiyey.

Funaanaddan oo ay farsamaysay Adidas ayaa wadata isku jir qayrul caadi ah sida lagu yaqaanno midabbada kooxda Aldo Rossi, iyadoo la isku xirey cagaag dugul ah oo loo bixiyey “Night Cargo”, oo sita gacmo ay ku shaqlan yihiin midabbo caddaan iyo casaan yar ah.

Waxay sidoo kale leedahay qoor V ah waxaana lasoo bandhigi doonaa dabayaaqada Luulyo ama Agoosto 2016, waxaana la socon doona iskaalshooyin ku midab ah iyo qaar caddaan ah, iyadoo ay ku dheggan tahay astaanta taqliidiga ah ee AC Milan.b1

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close