Rihad Mahrez oo qishay in uu ka tagayo Leicester City

(Paris) 12 Juunyo 2016. Leicester City khadkeeda dhexe Riyad Mahrez ayaa qishay in ay suurtagal tahay ka tagidiisa horyaalka Premier League xagaagan.

Kubadd sameeyaha Algeria oo ahaa mid ka mida fureyaashii u sahlay dawacooyinka hanashada horyaalka ayaa lala xiriirinayaa kooxo badan.

Hase yeshee, laacibka khadka dhexe waxa uu qishay in kahor biloga xilli ciyaareedka 2016-17 uu isaga dhaqaaqi karo gegida King Power.

Isaga oo ka hadlaya dhacdo ay soo qaban qaabisay Nike sabtidii oo lagu qabtay Paris, Mahrez waxa uu yiri: “Xilli ciyaareedkan si wanaagsan ayuu noqday. Sida aynu la wada socono, waxaan ku guuleysanay horyaalka taas oo aad muhiim u ah. Waa la yaab. Waxa uu si weyn u ahaa ololahaygii xirfadeyda waayeed u wanaagsanaa.

promo285851839

“Waa faan in aad maqsho xiriirka kooxo kale, sida aan sheegay ma jiraan wax laga heshiiyey, wax la dhameeyey.

“Waqtigan go’aan ma gaarin. Weynu arki doonaa. Waa macquu in aan joogo, waana suurtagal in aan boxo. Waanu arki doonaa.”

2014 ayuu Mahrez Leicester uga soo biiray Le Havre.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close