Ninka ugu dheereeya adduunka ee Usain Bolt oo dib u soo laabtay isla markaana guul gaaray

(Kingston) 12 Juunyo 2016. Usain Bolt ayaa dib u soo laabtay sagaal bilood iyo bar kaddib isagoona durba gaaray guul orodkisii ugu horreeyay tan iyo waqtigaa.
29-jirka ayaa ka maqnaa tartamada sagaalkii bilood ee ugu dambeysay isagoona dib u soo laabtay tartanka Racers Grand Prix ee dalka Jamaica, waxayna ahayd markii ugu dambeysay uu caalamka u soo muuqdo tartankii Beijing ee sanadii la soo dhaafay.
Bolt ayaa ku guuleystay tartanka 100m isagoona ku orday 9.88-ilbiriqsi, kaliya ninka reer France Jimmy Vicau ayaa rikoodhkan ka dheereeyay sanadkan 9.86-ilbirqsiyo.
Nickel Ashmeade ayaa soo galay kaalinta labaad isagoo ku cararay 9.94-ilbiriqsi, Blake ayaa saddexaad galay halka Powell uu afaraad soo xirtay.
Usain Bolt ee isagu xafidanaya rikoodhka adduunka ee orodka boqolka Mitir ayaa eeganaya inuu guushii saddexaad oo xiriir ah ka soo gaaro tartanka Olympicada oo kolkan lagu qaban doono dalka Brazil wuxuuna sheegay inuu diyaar u yahay.
Gool FM.