Muxuu tababaraha xulka England ka yiri bar-barihii ay xalay la galeen Ruushka?

englnd

(France) 12 Juunyo 2016. Xulka England ayaa weli guul gaari la’ kalankooda furitaanka tartanka Euro inkastoo ay xalay aad ugu dhawaadeen inay soo afjaraan rikoodhkaasi xun.

Eric Dier ayaa laadka xorta oo cajiib ahaa hogaanka ugu dhiibay xulka saddexda libaax oo ciyaarta maamulanayay daqiiqadii 73-aad balse nasiib darro daafaca xulka Ruushka Vasili Berezutski ayaa guusha u diiday kaddib markii uu gool madax ah ka dhaliyay dhammaadkii ciyaarta.

Tababaraha xulka England Roy Hodgson ayaa u dareensan bar-baraha uu la galay xulka Ruushka sida guul darro oo kale wuxuuna ammaan huwiyay da’yarta xulka Engaland.

“Inaan iraahdo si aad u qaraar ayaan u niyad jabsanahay waxay noqoneysaa inaan yareysanay,” Hodgson ayaa sidaa u sheegay BBC Radio 5 Live.

“Waxaan dareemaynaa sida guul darro oo kale maxaa yeelay waxaan isku diyaarinayanay dabaal deg.

“Way adag tahay inaan aqbalno, laakiin waqti dheer naguma qaadan doonto inaan ka soo kabano. Waxaa jiri doona waxyaabo badan oo laga qaadan doono kulankan marka la falanqeeyo, waxaan u maleynayaa inaan fiicnayn kulanka intiisa badan.”.

englndd

Tababare Hodgson ayaa sidoo kale ammaan ugu qubeeyay xiddiga dhaliyay laadka xorta ah ee Eric Dier.

“Waan ogaa inuu midaa sameyn karo maxaa yeelay waxaynu ku aragnay tababarka.

“Waxay ahayd jahwareer inaa dhalin kari wayno gool kale si aan u soo afjarno ciyaarta. Fursadaha ayaan helnay balse kama faa’iideysan.”.

 Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close