Juventus oo u muuqata mid ku garaaceysa Chelsea saxiixa Miralem Pjanic

Pjanic-1-1

(Rome) 12 Juunyo 2016. Rajadii Chelsea ee la soo wareegida Miralem Pjanic ayaa waxaa soo galay mugdi kaddib markii uu tilmaamay in uu jaclaan lahaa ku biirida Juventus.

Blues ayaa la sheegay in ay ku kalsoonaayeen in ay kubad abuuraha Bosnia ay Stamford Bridge ku keeni karaan heshiis saddex sano ah oo uu toddobaadkii ku qaadanayo £65,000.

Hase yeshee, isaga oo la hadlaya raadiyaha Roma, agaasimaha Roma Mauro Baldissoni waxa uu daaha ka rogay in ay warqad codsi ah oo uu ku rabo Bianconeri uga timi laacibka.

Baldissoni waxa uu beeniyey in Roma ay kala hadashay Juventus suurtagalnimada ah in ay ka iibinayaan xiddiga waxa uuna ku tilmaamay xan ‘Laa taa caleesh ah.”

Pjanic waxa uu 201 Roma uga soo biiray Lyon.

 

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close