Jose Mourinho oo daawanahay xiddigihiisa reer England ee Rooney iyo Smalling ciyaartii xalay ee Euro…(Laakiin yaa la daawanayay?)

jose

(England) 12 Juunyo 2016. Tababaraha cusub ee Man United Jose Mourinho ayaa xalay daawanayay kulankii uu xulka Ingiriiska bar-baraha la galay xulka Ruushka wuxuu kaloo daawaday kulamadii kale ee dhacay shalay.

Xulka England ayaa waxaa qeyb ka ah xiddigaha kooxdiisa cusub ee Man United Wayen Rooney iyo Chris Smallin.

Tababaraha reer Portugal oo ciyaarta ka fiirsanayay qolkiisa fadhiga ayaa waxaa la daawanayay kulamadkii Euro ee shalay wiilkiisa .

Jose ayaa ciyaarta wax yar ka hor soo dhigay boggiisa Instagram sawir isaga iyo wiilkiisa oo uu ku sheegayo inuu kulankan yahay kii saddexaad oo ay daawanayaan isla shalay isla markaana fadhiga ama kursiga fadhiga uu qaati ka taagan yahay markan.

Luke Shaw

Sidoo kale daafaca Man United iyo xulka Ingiriiska Luke Shaw oo isagu dhaawac ku maqnaa muddo dheer isla markaana aan qeyb ka ahayn kulankii Euro 2016 ee xulkiisa xalay ayaa soo dhigay boggiisa sawir isagoo daawanaya ciyaarta bar-baraha lagu qabtay saddexda libaax.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close