HOR DHAC: Turkey Vs. Crotia

turkey-croatia-preview-badge-graphic_3480358

(Paris) 12 Juunyo 2016. Crotia oo uu Arsene Wenger ku tilmaamay kuwo ka yaabin doona Euro 2016 ayaa tartanka ku daah furi doona Turkey.

Turkey oo iyana ka soo baxday Group ay ku jirtay Netherlands is reeb reebkii Euro 2016 ayaa ah kuwo aan dab yar shideyn.

WARARKA LABADA NAADI

Turkey

– Emre Moro o ah khad dhexe oo aad loo qiimeeyo dhawaana ku biiray Borussia Dortmund ayaa isha ku haya in uu ku soo bilowdo, laakiin Fatih Terim waxaa la filayaa in keydka dhigo da’yarka.

 –  Burak Yilmaz marka laga yimaado in uusan kulamo badan oo safka kowaad ah soo dheelin dhaawac awgiis ayaa u muuqda mid weerarka ku soo biilan kara walow Cenk Tosun oo u dheela Besiktas uu xulahso yahay.

-Guud ahaan lama filayo in Turkey ay saf lama filaana ku wajahdo Crotia.

Crotia

– Marcelo Brozovic waxa uu doonayaa in uu ku soo bilowdo laakiin waxaa ka horeeya Milan Badelj, Luka Modric iyo Ivan Rakitic dookh ahaan.

– Marko Pjaca oo dheelay kulankii ay 10-0 uga badiyeen San Marino waxaa la qabaa in uu keydka ku soo bilaaban doono.

LA SOCO

-Turkiga saddexddii kulan ee ugu dambeeyey shabaqeeda lama soo taaban.

-Turkiga wax gool ah kama uusan dhalin Crotia saddexddii kulan ee ugu dambeeyey.

-Turkiga wey badiyeen saddexddii kulan ee ugu dambeeyeysay Euro Cup.

-Ctotia guul daro lama aysan kulmin 9 ka mida 10-kii kulan ee ugu dambeeyey Euro Cup.

SAFAFKA LA FILI KARO

Turkey: Volkan Babacan; Gökhan Gönül, Mehmet Topal, Hakan Balta, Caner Erkin; Ozan Tufan, Selçuk İnan; Volkan Şen, Hakan Çalhanoğlu, Arda Turan; Burak Yılmaz.

Croatia: Subašić; Srna, Ćorluka, Vida, Strinić; Badelj, Modrić, Rakitić; Brozović, Perišić; Mandžukić.
Out: none

Gegida: Parc des Princes

Saacadda Geeska Africa: 4Pm

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close