EURO 2016: GER VS UKR 2-0…Jarmanka oo sidii lagu yaqaanney si wanaagsan ku bilowday Euro + Sawiro

(Lille) 12 Juunyo 2016 – Germany ayaa magaalada Lille ku qaabiley dalka Ukraine ciyaar-bilowga Guruubka C waxayna kaga adkaadeen 2-0.

Jarmanka oo aan abidkii laga badinin kulan furitaan ah oo ka tirsan Koobka Qaramada Yurub ayaa caawana si wanaagsan ku aftaxay Euro 2016 European Championship.

Kooxda Joachim Low oo muujisay sababta loogu daray kooxaha ugu cadcad tartanka ayaa waxaa labada gool u kala dhaliyey Shkodran Mustafi iyo Bastian Schweinsteiger oo bedel ku yimi, wax noqday kulankii ugu horreeyay ee 2-0 ku idlaada, waloow uu jirey gool muran ku jirey oo u muuqdey mid xariijinta dhaafay oo ay Ukraine dhaliyeen.

b b1 b2 b3 b4 b6 b7 b8 b10 b11 b12 b13 b14 b16

b

 

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close