Yay taageereysay HOOYADA dhashay Taulant Xhaka iyo Granit Xhaka oo u kala safnaa Xulalka Albania iyo Switzerland..+SAWIRRO

wa3

(France) 11 Juunyo 2016. Waa walaalo misane u kala safnaa xulalka Switzerland iyo Albania ciyaartii dhaweyd ee Euro 2016 oo guul dirqi ah 1-0 uu la hoyday labada wiil midka yar.

Waxaa ciyaarta kor ka daawanayay hooyada iyo aabaha dhalay Taulant Xhaka iyo Granit Xhaka, waxaana durba maskaxadaada ku soo dhaceya yay taageerayeen waalidiinta ma wiilka yar ee Granit oo matalayay Switzerland mise kan wayn Taulant oo matalayay xulka Albania.

Granit ayaa ku dhashay kuna bar-baaray Switzerland sidaa darteed ayuu u doortay xulkan halka Taulant Xhaka uu doortay xulka uu dhaxal ahaan ka soo jeedo ee Albania.

Elmaze Xhaka, ee ah hooyada dhashay inamadan ayaa taageereysay labada wiilba oo marba mid u sacbo tumeysay waxayna xirneyd funaanad labada dal u kala qeybsan, waxay dhinac fadhisay gabadha la saaxiibka ah Granit ee Leonita Lekaj.

Aabahood Ragip oo isna sidoo kale kor ka daawanayay ciyaarta ayaa meel u badneyn oo wuxuu qabay dareen caadifad oo isku dhaf ah.

wa2
Ragip waa odeyga gacan haatinaya

Ragip ayaa ku qaatay saddex sano maxbuus siyaasadeed xabsi ku yaala Kosovo kaddib markii la soo daayay isagoo 25-jir ah ayaa loo ogolaaday inuu noloshiisa si sax ah uga bilaabo Basle.

Wuxuu oday Ragip kiciyay labo xirfadlayaal oo kubbada cagta ah Taulant, 25-jir, iyo Granit, 23-jir.

Labada walaalo ayaa laabta is galiyay ka hor kulankoodii dhawaa waxayna wareysi ay bixiyeen ku sheegeen inay walaalo bis aysan ahayn balse ay yihiin saaxiiibo kuwooda ugu fiican, laakiin waxay malaha ku egtahay saaxiibtinimadooda garoonka bannaankiisa oo waa dagaal mar haddii garoonka la galo, maadaama uu mid kastaa doonayo inuu ka soo boxo waajibaadka xulkuu ma talayo.

wa

Taulant ayaa la badelay daqiiqadii 62-aad ee ciyaarta maadaama uu goor dhow ka soo laabtay dhaawac muruqa ah laakiin wuxuu caro darteed u tuuray caagii uu biyaha ka cabayay, oo ma ahan sheeko ka cusub wiilashan wada dhashay oo labaduba way dabeecad adag yihiin.

Xiddiga cusub ee Arsenal Granit ayaa saddex jeer garoonka laga saaray mar uu u safanayay Borussia Monchengladbac horyaalka Bundesliga kal ciyaareedkii dhawaa, laakiin midaa kama aysan hor istaagin Arsene Wenger inuu la soo saxiixdo xiddig yarahan bur-buriyaha ah.

Taulant Xhaka ayaa isna labo jeer laga ganaaxay Basle kaddib markii uu dharbaaxo iyo inuu tinta ka jiido isugu daray  xiddigaha kooxaha ka soo horjeeda. Wuxuu sidoo kale ku lug lahaa qas mar uu xulkiisa Albania Belgrade kula ciyaaray xulka Serbia intii lagu guda jiray isreeb-reebka Euro 2016.

da da2

wa1

wa4 wa5

W/D: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close