RABSHADIHII RUUSHKA: Taageere Ingiriis ah oo xaaladdiisa laga dayrinayo + Sawirro

(Marseille) 11 Juunyo 2016 – Kaddib markii uu dagaal ka dhex qarxey taageerayaasha Ruushka iyo kuwa Ingiriiska oo isu fara saaray jidadka magaala maarsada Marseille oo ay ku wada sugan yihiin ayaa waxaa halkaasi ka dhacday arrin laga noxo.

Waloow aysa qurxoonayn sawirrada guud ahaanba kasoo baxaya halkaas oo muujinaya makhaayado la gubey iyo dad la dakhray misna waxaa ugu daran taageere haatan isbitaalka u yaalla jugo madaxa laga gaarsiiyey kaasoo la sheegay inay xaaladdiisu ba’an tahay.

Warar uu qorayo Daily Mail ayaa sheegaya in taageerahani uusan waxba sameeynin markii ay weerarayeen taageerayaasha Ruushka oo si is daba joog ah madaxa uga haraatiyeeyay isla markaana ay feereen.

Ninkan oo 50-meeyadii ku jira ayaa haatan xaalkiisa laga dayrinayaa waxaana labada xul oo goor dhow ciyaaraya laga yaabaa inay markale rabshado ka dhacaan.

Taageerayaasha Ingiriiska ayaa lagu yaqaannaa foowdada noocan ah, balse markan waxaaba ka daray Ruushka.

b b1 b2 b3 b4 b5 b6 b7 b8 b9 b11 b12 b13 b14 b15 b16 b17 b18 b19

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close