Ma waxaa durba dhashay Jaceylkii Old Trafford? Jose Mourinho oo fariimo ku safay ciyaaryahanada Manchester United…..Maxay yihiin?

34E5B9A500000578-0-image-a-2_1465564382522

(Nice) 11 Juunyo 2016. Paddy McNair waxa uu sheegay in tababaraha cusub ee Manchester United Jose Mourinho uu fariimo u soo qorayey xiddiga Red Devils ee ka qeyb galaya Euro 2016.

Fariimaha waxa ay ahaayeen kuwo uu nasiib wanaagsan ugu rajeenayey xiddigaha.

McNair waxa uu ku jiraa safka Northern Ireland ee wajahaya Poland axada kulanka oo ka dhici doona Nice, waxaa ay fariini ka soo gaartay Mourinho isaga oo ku sugan  xeradooda tababarka eek u taal daafaha Lyon.

21 jirka waxa uu qiray in tartankan uu siin doono fursad uu ku maqsuudiyo tababaraha cusub kaddib markii uu afar kulan ku soo bilowday ololihii tagay ee uu ka soo dheelayey Louis Van Gaal.

34F3F09400000578-0-image-a-3_1465564408561

‘Dabcan, waan hubaa wuu daawanayaa,’ ayuu yiri. ‘Waxaan isku dayi doonaa wanaageyga aniga oo filaya in uu ka helo waxa uu arko.

 ‘Fariin ayuu ii soo diray oo uu nasiib wanaagsan iigu rajeenayo tartanka markaa taas waa wax fiican.’

McNair sidoo kale waxa uu xaqiijiyey in Sir Alex Ferguson usoo safri doono Nice si uu u daawado kulanka N.Ireland iyo Poland kaddib markii ay isku arkeen Wembley fiinaalihii FA Cup-ka.

Waxa uu intaa ku daray: ‘Waxaan fuulay wiishka Albeerkada. Waxa uu igu yiri nasiib wacan tartabka France waa uuna ii sheegay in uu halkaas joogi doono kulanka Poland ee Nice.’

Jose-Mourinho-as-Manchester-United-manager

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close