”Belgium-ku way ka yaabin karaan Talyaaniga” – Wilmots

(Lyon) 11 Juunyo 2016 – Marc Wilmots ayaa ku adkaysanaya in Belgium “ay guul doonayaan” kulanka Talyaaniga isagoo dhaliisha loo jeediyey daaficiisa oo jileec lagu tuhmayo u adeegsadey qaab uu ku caraadiyo xulkiisa.

Kulanka Group E ayaa fiidnimada Isniinta ka dhici doona magaalada Lyon, kaddib marka ay kala baxaan Sweden oo wajahaysa Republic of Ireland.

“Miyaan bareejo ku faraxsananaan karaa? May, waxaan doonayaa guul,” ayuu ka yiri shirkiisa jaraa’id.

“Talyaanigu waxay dheeli karaan 3-5-2 ama 4-3-3, balse annaguna dad baan ka yaabin karnaa sidoo kale.” ayuu yiri.

Safka laga yaabo ee Belgium: Courtois; Alderweireld, Vermaelen, Denayer, Vertonghen; Nainggolan, Fellaini, Witsel; De Bruyne, Lukaku, Hazard

b

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close