Xiddigaha safka hore ee xulka Fransiiska ee kulanka furitaan Euro 2016 wax khibrad ah u malahan koobkan ilaa 5-laacib mooyee

francec

(France) 10 Juunyo 2016. Waxaa dhawaan la soo saaray safka rasmiga ah ee xulalka France iyo Romania oo daqiiqado yar kaddib isku fara saari doona kulanka furitaanka Euro 2016.

Haddaba shaxda safka hore ee Faransiiska ee dhawaan la soo saaray ayaan wax khibrad ah u lahayn koobkan marka laga reebo 5-laacib oo qura oo intooda kale marna ma ay ciyaarin koobkan.

Shanta laacib ayaa kala ah goolhaye Lloris iyo daafaca Rami min afar jeer, Evra iyo Giroud min saddex jeer, iyo daafaca Koscielny hal jeer inta kale waa  bilow oo markoodii ugu horreysay ciyaaraya tartanka Euro.

francee

haddaan idin xusuusiyo shaxda safka hore ee xulka Fransiiska ayaa ah sidan: Lloris, Sagna, Rami, Koscielny, Evra, Pogba, Kante, Matuidi, Griezmann, Giroud, Payet.

Sidoo kale Pogba ayaa la sheegayaa inuu ugu yaraan labo sano ka yar yahay xiddig kasta oo ka mid ah shaxda safka hore ee xulka Fransiiska waa 23-sano jir iyo 87-maalmood kan ugu soo dhow waa Kante 25-jir iyo 73-maalmood.

 francc

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close