Pique: Qas wadeyaal ayey ahaayeen ciyaaryahanada waa weyn ee Manchester United!

Manchester United Training Session

(Paris) 10 Juunyo 2016. Daafaca Barcelona Gerard Pique ayaa sheegay in ciyaaryahanadii waa weynaa ee Manchster United ay ahaayeen kuwo ‘Qas wadeyaal ah” markii uu isku dayey in uu safka kowaad  ka mid noqdo.

Laacibka Spain waxa uu ka mid noqday United isaga oo 17 sano jira kahor inta uusan ku laaban Barcelona 2008.

Waxa uu wareysi ku saabsan sida da’yarta ula qabsadaan xulka Spain siinayey Onda Cero.

29 jirka waxa uu sheegay in axwaasha is badashay tan iyo yaraantiisii Old Trafford.

 “Si fiican ayey hada ula qabsadaan, ma aha sidii hore oo kale,” “Markii aan 17 ilaa 18 jirka ahaa waxaan isku dayey in aan ka mid noqdo kooxda kowaad ee Manchester, aad ayey u adkeyd, ciyaaryahanada waa weyn qurun ayey ahaayeen.

 “Hada kaftan yar ayaad sameeneysaa waxa ayna u ekeeneysaa sida in aad dambi gashay. Waxaan xusuustaa markii uu Gerard Deulofeu ka mid noqday kooxda kowaad, casho ayuu aadayey waxaana ka leexiyey kursiga, wuu kufay waana la I canaantay. Anaga maalin walba wey nagu sameyn jireen!

Pique waxa uu United la qaaday Premier League iyo Champions League kahor inta uusan 23 koob oo waa weyn la hanan Catalan.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close