Hadii uu sidan door bido malaha jamaahiirta Chelsea ma filaan dheel bilic leh!

FBL-EURO-2016-ITA-PRESSER

(Paris) 10 Juunyo 2016. Tababaraha la sugayo ee Chelsea Antonio Conte waxa uu ka hadlay kaartada uu  door bido kahor bilowga Euro 2016.

Iyada oo uu 46 jirka majaraha u qaban doono Cheslea marka uu soo idlaado Euro 2016, waa xaqiiq in jamaahiirta Blues ay xiisenayaan ogaanshaha qaab ciyaareedka ninka reer Italy.

Malaha ma ahaan doonto naqshad ay jecleystaan taageereyaasha oo ku dhisan weerar, balse kubad dheeli tiran.

 ‘Dhabtii waa faa’ido in aad awood u hesho ku tiirsanaanta afar ciyaaryahan oo ka tirsan Juventus kuwaas oo muddo badan daafaca ka soo wada dheelay, dabcan waxaan dhiseynaa wax adag,’ ayuu u u sheegay Website-ka rasmiga ah ee UEFA.

‘Laakiin sida aan hore u sheegay, waxaan jeclahay in naqshadeyda ay curin  ku saleysnaato, dheeli tirnaanta waa muhiim, difaaca iyo weerarkaba.’

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close