De Gea: Wax aan kala socdo ma jiraan xiisaha Real Madrid

de-gea-man-utd4

(Paris) 19 Juun 2016. Goolhayaha Manchester United David de Gea waxa uu sheegay in uusan warba ka hayn xiisaha la hadal hayo in Real Madrid ay u qabto.

25 jirka qarka ayuu u saarnaa in uu ku biiro Real xagaagii hore kahor inta aysan bur burin heshiiskii u dhexeeyey labada qolo.

Maalmo kaddib, De Gea waxa uu saxiixay qandaraas cusub oo Manchester United balse wali waxaa nool xiisihii Los Blancos.

“Waxba kama aqaan rabitanka Madrid ee aniga ah, ayuu De Gea u sheegay Cadena Ser. “Waa daganahay. Saddex sano oo dheeri ah ayaa iigu haray Manchester. United wax walba wey I siiyeen. Hada waxaan ka fakarayaa Euro-ga iyo xulka qaranka.

“Koox weyn ayaan ku suganahay, taas oo muxubo I siisa maalin walba. Aad ayaan ugu mahadcelinayaa Manchester United halkana aad ayaan ugu faraxsanahay.”

De Gea waxa uu 2011 uga soo biiray United Atletico Madrid.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close