Xiddiga Tottenham iyo xulka Belgium Mousa Dembele oo idin leh ‘RAMADAAN KARIIM’

muuse

(Belgium) 09 Juunyo 2016. Xiddiga qadka dhexe ee kooxda Tottenham iyo xulka Belgium Mousa Dembele ayaa shacabka muslimka ah u diray hambalyo ku aadan bisha barakeysan ee Ramadaan.

Dembele ayaa sawir la soo galay timo waynaha ay isku xulka yihiin ee Marouane Fellaini kaa oo tinta midabeystay soo dhigay boggiisa Instagram wuxuuna soo raaciyay qoraal u dhacayay sidan: “Aniga iyo saaxiibkey timaha dahabiga waxaan doonayaa inaan idin rajeeyo wanaag dhammaantiisa Ramadaanka #ramadankareem.’.

Laacibka reer Belgium ayaa qeyb ka ah xiddigaha xulkan uga qeyb galaya Euro 2016 ee jimcaha ka furmi doona dalka Fransiiska waxayna kulankooda furitaanka la yeelan doonaan 13-ka bisha xulka Talyaaniga oo ay kula ciyaaari doonaan magaalada Lyon.

Kulanka labaad ayay la yeelan doonaan Republic of Ireland oo ay kula ciyaari doonaan magaalada Bordeaux 18-ka bisha, waxayna kulankooda ugu dambeeya ee wareega group-yada magaalada Nice kula ciyaari doonaan xulka Sweden 22-ka bisha.

muuse

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close