SAWIRRO: Jermain Defoe oo heshiis cusub lagu abaal mariyay

(Sunderland) 09 Juunyo 2016. Jermain Defoe ayaa ku sii sugnaan doona naadiga Sunderland ugu yaraan saddex sano kaddib markii uu heshiis cusub qallinka ku duugay

Sunderland ayaa ku sigatay inay u dhacdo heerka labaad ee Premier League xilli ciyaareedkii dhawaan idlaaday iyadoo 15-ka gool uu u dhaliyay dhaliyahooda Defoe uu door muhiim ah ka ciyaaray bad-baadadooda.

33-jirkan ayaa lagu abaal mariyay heshiis cusub iyadoo heshiiskiisii hore ay ahayd inuu dhacayo bisha June ee 2018, laakiin iminka wuxuu sii joogi doonaa Stadium of Light sanad kale oo dheeri ah oo wuxuu ka dhacayaa heshiiskiisa 2019-ka.

Tababaraha kooxda Sunderland Sam Allardyce ayaa ku tilmaamay Defoe mid ka mid ah weeraryahannada ugu fiican ee taariikhda Premier League wuxuuna ku sheegay laacib uu tababare kasta dooni lahaa inuu kooxdiisa ka mid ahaado.

SAWIRRO:

de (1) de (2) de (3) de (4) de (5)

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close