Mourinho: Aqoonta dheer ee uu Manchester United u leeyahay Carrick waa mid qiima ii leh

qqqq

(Manchester) 09 Juunyo 2016. Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa sheegay in Michael Carrick uu hanta qiime leh u noqon doono xilli ciyaareedka dambe.

Carrick waxa uu u muuqday mid ka socda Manchester United xagaagan kaddib 10 sano oo uu ku sugnaa balse waxa uu saxiixay muddo kordhin sanad ah isaga oo sii joogi doona ilaa iyo Juun 2017.

Mourinho amaan ayuu huwiyey 34 jirka waxa uuna sheegay in uu sugayo la shaqeyntiisa.

“Michael  waxaa khad dhexe oo aad caaqil u ah aqrinaya kulanka,” ayuu Mourinho u sheegay Website-ka naadiga.

“Waan ku faraxsanahay in uu qandaraaskiisa kordhinayo. Heer ciyaareedkiisii sanadkan ayaa muujineysa tayadiisa, ku raaxeysigiisa dheeshana waa mid xoog badan.

“Michael waxa uu haystaa khibrad aad u weyn ee kooxda ah marka la eego sanadihii tirada badnaa ee uu joogay waana mid qiime ii leh. Xaqiiqdii in aan la shaqeeyo ayaan sugayaa.”

Carrick waxa uu United uga soo biiray Tottenham Hotspur 2006, tan iyo waqtigaas waxa uu matalay 421 kulan dhamaan tartamada.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close