Mouriho SHAN ciyaaryahan oo dheeri ah ayuu doonayaa [ESPN]

494044374

(Manchester) 09 Juunyo 2016. Jose Mourinho waxa uu doonayaa in uu la soo saxiixdo shan ciyaarhan oo kale kaddib Eric Bailly.

Daafaca u dhashay Ivory Coast waxa uu ugu fadhiyaa Red Devils aduun dhan £30million.

53 jirka waxa uu hubay in uu ka tagi doono Chelsea xilli ciyaareedkii dhamaaday waxa uuna sii bartilmaameedsaday tiro ciyaaryahano ah muddo bilo ah.

Portuguese-ka waxa uu rabaa in uu xoojiyo safkiisa Old Trafford sida laga soo xiganayo ESPN waxaa u calaamadsan shan kale oo xiddigo ah.

Zlatan Ibrahimovic waxaa la filayaa in uu ku soo biiro United laakiin Mourinho waxa uu sidoo kale doonayaa khad dhexe oo adag, garab xawaare dheereya, weeraryahan dheeri ah iyo daafac kale oo kaabe noqon kara hadii loo baahdo, lacagta uu suuqa ku galayo waxa ay dhan tahay £200m.

Gool FM.

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close