Luka Modric oo cadeeyey halka uu doonayo in uu ku laalo kabahiisa dheesha

Modric

(Paris) 09 Juunyo 2016. Luka Modric waxa uu muujiyey sida uu u doonayo in uu xirfadiisa ku soo idleeyo Real Madrid.

Laacibka u dhashay Crotia waxa uu Bernabeu uga yimi 2012 kooxda Tottenham Hotspur waxa uuna matalay tan iyo waqtigaas 173 kulan dhamaan tartamada.

Hada waxa uu ka dhacayaa qandaraaska uu kula jiro Los Blancos 2018 balse ma rabo in uu meel kale aado.

 “Tani waa rabitaankeyga, walow ay jiraan ciyaaryahano badan oo halkan ku fariista. Maxaa diidaya? Waxaan u arkaa mid suuragal ah, laakiin waan arki doonaa waxa dhaca mustaqbalka, waa rabitaankeyga,” ayuu Modric u sheegay Marca. “Hada waxaan ka fakarayaa oo kaliya Real Madrid, waxaan leeyahay rabitaanka ah in aan halkan joogo ilaa iyo inta macquulka ah. Kama fakarayo kooxo kale, ama horyaalo kale.”

Modric waxa uu matali doona Crotia Euro 2016 oo beri ka furmaya France.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close