“Lionel Messi malahan shaqsiyad.” Maradona

plee

(Paris) 09 Juunyo 2016. Rugcadaagii hore ee xulka Argentina Diego Maradona ayaa sheegnaya in Lionel Messi uusan lahayn dadnimada hogaaminta ama shaqsiyad.

Maradona ayaa qabsaday makarafoonka isagoo arrinka ku aadan xiddiga Barcelona ee Lionel Messi kala munaaqashoonaya rugcadaaga Pele mar ay ku sugnaayeen dhacdo ka dhacday France oo ay qaban qaabiyeen Euro, iyadoo ciyaar saaxiibtinimo oo garoon lagu galayo shan shan ay Pele iyo Maradona tababare u kala ahaayeen labo koox.

Pele ayaa waydiiyay Maradona haddii uu shaqsi ahaan u garanayo Messi isagoo waliba bixinaya jawaab uusan ku difaaceyn xiddiga ay dhalashada wadaagaan.

ple

“Dhab ahaan waa qof fiican, laakiin malahan shaqsiyad,” Ayuu yiri Maradona.

“Waxaa ka maqan dadnimada hogaamiye lagu noqdo.”.

Pele oo hadalkaas sii raacaya ayaa isna yiri: “Ah, waan fahmay, ma ahan sidii waayaheenii oo kale, todobaatameeyadii innaga Brazil waxaan heysanay ciyaartoy fiican sida Rivellino, Gerson, Tostao.

“Ma ahayn sida ay Argentina iminka tahay oo kale, taa oo ku tiirsan oo kaliya Lionel Messi. Maradona wuxuu leeyahay Messi waa ciyaaryahan fiican, shaki kuma jiro midaa, laakiin shaqsiyad malahan.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close