Koox cusub oo kula soo biirtay Barcelona tartanka saxiixa Nolito

(Barcelona) 09 Juunyo 2016 Kooxda Barcelona ayaa aad ugu sii dhawaanaysa dhamaystirka saxiixa weerar yahanka xulka qaranka Spain iyo kooxda Celta Vigo ee Nolito.

Mundo Deportivo ayaa shaaca ka qaaday in Barcelona ay loolan adag kala kulmayso Atletico Madrid oo dhankeeda doonaysa saxiixa 29 jirka reer Spain.

Tababare Diego Simeone ayaa u arka Nolito laacib waxbadan katari kara weerarka kooxdiisa xiliciyaareedka soo socda haddii uu la soo wareego xaggaagan.

Laakiin Barcelona ayaa doonaysa inay dadajiso saxiixa Nolito si qiimaha laacibkaan uusan u kordhin haddii uu qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigo Euro 2016.

Gool FM

 

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close