Kalidou Koulibaly oo wadada u furay ku biirida kooxaha horyaalka ingiriiska

(Naples) 09 Juunyo 2016 Daafaca reer Senegal ee kooxda Napoli Kalidou Koulibaly ayaa wadada u furay kooxaha horyaalka ingiriiska suuqa kala iibsiga ee xaggaagan.

Arsenal iyo Chelsea ayaa ka mid ah dhawr kooxood oo lala xiriiriyay Kalidou Koulibaly kaas oo qaab ciyaareed fiican ku soo bandhigay kooxdiisa Napoli xiliciyaareedkii dhamaaday.

24 jirka reer Senegal oo la hadlay wargayska L’Equipe ayaa yiri:

“3 sano ayaa iiga hartay heshiiskayga Napoli, aad ayaan ugu faraxsanaa markii aan u saxiixayay heshiis 5 sano ah, waxyaabo badan oo fiican ayaan sameeyay xiliciyaareedkii dhamaaday, Dalabyo ayaa haatan miiska ii saaran”.

Kalidou Koulibaly ayaa la waydiiyay in tababare Antonio Conte uu la soo xiriiray wuxuuna ku jawaabay:

“Maya, Wali lama hadlin isaga, laakiin waxaa suuro gal ah inaan lahadlo waqti dhaw, haddii Napoli aysan wax samayn waxaan la xiriiri doonaa kooxo kale”.

“Ka ciyaarida horyaalka ingiriiska aad ayeey iigu haboontahay, laakiin waxaan jeclahay talyaaniga cadaadisna ma saari doono naftayda”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close