James Rodriguez oo sheegay inuusan meelna uga socon kooxdiisa Real Madrid

Photo published for James Rodriguez says he wants to stay at Real Madrid

(Madrid) 09 Juunyo 2016 Laacibka xulka qaranka Colombia iyo kooxda Real Madrid James Rodriguez ayaa ka hadlay mustaqbalkiisa kooxda reer Spain.

Sida uu shaaciyay wargayska Sport James Rodriguez ayaa sheegay inuu doonayo inuu iska sii joogo kooxdiisa Real Madrid xiliciyaareedka soo socda.

Kooxo badan oo ay ugu horayso Man United ayaa si wayn u baadi goobaya xiddiga xulka Colombia u soo saaray kulamada 8 dhamaadka ee Copa America.

“Waxaan ku dhex jirnaa kubadda cagta waxyaabo badan ayaana isbadalaya, laakiin sidii aan horay u iri waxaan doonayaa inaan sii joogo Madrid, taasina waa riyo ka sii mid ahaanshaha kooxdaan wayn” ayuu yiri James Rodriguez.

Mustaqbalka James Rodriguez ee Real Madrid ayaa lagaliyay shaki wayn kadib markii lagawaayay laacib kaan safka hore ee kooxda macalin Zidane iyo tababarihii ka sii horeeyay ee Rafa Benitez.

Sidaas oo ay tahay 24 jirka reer Colombia ayaa sheegay inuu doonayo inuu sii joogo kooxdiisa xiliciyaareedka soo socda.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close