Daaficii hore ee Liverpool Daniel Agger oo ka dhawaajiyay inuu ciyaaraha isaga fariistay

ager11

 (Copenhagen) 09 Juunyo 2016. Daaficii birta ahaa ee kooxda Liverpool Daniel Agger ayaa maanta xaqiijiyay inuu kabaha iska laalay oo isaga fariistay ciyaaraha isagoo 31-jir uun ah.

Daafaca ayaa u saftay kooxda ku ciyaarta Anfield 232 kulan sanadihii u dhexeeyay 2006 ilaa 2014.

Wiilka reer Danish ayaa waxaa waayihiisa hareereeyay dhaawacyo.

“Waad ku mahadsan tihiin taageeradiina, khibrad wayn, waa murogo laakiin waa go’aanka saxda ah inaan joojiyo, waan ku faanayaa waayaheyga ciyaareed,” Agger ayaa sidaa ku soo qoray boggiisa Twitter isagoo soo raacsiiyay sawir maaliyadihii oo sii xirtay inuu ku guda jiray waayihiisa xirfadlenimo.

ageer

Halkan ka aqri waayihii Agger ee xifadlenimo iyo koobabkii uu ku guuleystay:

Brondby (2004-06): 34 kulan, 5 –gool.

– Danish Superliga 2005

– Danish Cup: 2005

Liverpool (2006-14): 232 kulan, 14 gool.

– League Cup 2012

– Community Shield 2007

Brondby (2014-16): 14 kulan, 1 gool.

 Denmark (2005-16): 72 kulan, 12 gool.

ager

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close