AQRISO: Wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga

jariirad

(Europe) 09 Juunyo 2016. Aqriste waxaan halkan kugu heynaa oo aan kugu soo ururinay wararkii ugu dambeeyay ee maanta laga qoray suuqa kala iibsiga ciyaartoyda.

Halka hoose ka aqri:

Man United ayaa la arkaa inay bixiso lacago rikoodh ka noqonaya Ingiriiska 78-milyan oo bound si ay u hesho 23-jirka Juventus Paul Pogba, kaddib afar sano uu laacibka uga tagay Old Trafford 800,000 oo qura. (Daily Mirror).

Man City ayaa la sheegayaa inay isaga baxday tartanka loogu jiro Pogba. (Guardian).

Liverpool ayaa miiska soo saari karta dalab ay ku xifaaleynayso Arsenal orodka loogu jiro weeraryahanka Leciester ee Vardy 29-jir. (Daily Star).

Weeraryahanka Chelsea Diego Costa, 27-jir ayaa doonaya in xagaagan uu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Atletico Madrid, sida uu sheeganayo madaxwaynaha kooxdaasi. (Antena 3 Sports, via Metro).

Antonio Conte ayaa doonaya inuu ka dhigto daafaca garabka midig ee Juventus Lichtsteiner, 32-jir saxiixiisa ugu horreeya ee Chelsea. (Sun).

Blues ayaa ka fikireysa inay u dhaqaaqdo weeraryahanka Marseille Michy Batshuayi, 22-jir kaa oo lagu qiimeeyay 31-milyan oo bound. (Daily Mirror).

Xiddiga qadka dhexe ee AS Roma Radja Nainggolan, 28-jir ayaa kala hadlay Conte u soo dhaqaaqis dhanka Chelsea ah wuxuuna sheegay in xiddigaha ay isku xulka yihiin ee Eden Hazard iyo Thibaut Courtois ay ku booriyeen inuu u soo dhaqaaqo Stamford Bridge. (Daily Telegraph).

Tababaraha cusub ee Man City Pep Guardiola looma ogola inuu wax ciyaartoy ah kala soo wareego xiddigaha Bayern Munich sida uu qabo xiddiga qadka dhexe ee kooxdaasi Douglas Costa, 25jir. (Globo Esporte, via Manchester Evening News).

 jariiraddo

Man City ayaa ka fikireysa inay ka shaqeysiiso 40-ka milyan ee bound ee lagu bur-burin karo heshiiska 22-jrika daafaca kaga ciyaara Athletic Bilbao Aymeric Laporte. (Daily Mirror).

Kaddib markii ay la soo saxiixatay 22-jirka daafaca kaga ciyaara Villarreal Eric Bailly, Manchester United ayaa dooneysa inay soo shaqo galiso daafac kale. (Manchester Evening News).

Red Devils ayaa sidoo kale dooneysa weeraryahanka Juventus Alvaro Morata, 23-jir. (Marca).

Laakiin United ayaa dooneysa inay fasaxdo daafaceeda Matteo Darmian iyadoo Juventus ay tahay kooxda ugu cad cad inay la saxiixato 26-jirkan. (Tuttosport, via Gazzetta dello Sport).

Weeraryahanka Arsenal Theo Walcott, 27-jir ayaan lahayn wax dareen ah uu kaga tagayo Gunners iyadoo ay jirto in kooxdu dalab ka gudbisay 29-jirka weerarka kaga ciyaara Leicester City Jamie Vardi. (ESPN).

Weeraryahanka Stoke City Peter Crouch, 35-jir ayaa sheegay in laga yaabo inuu u weecdo dhanka tababarka marka uu soo gabo gabeeyo waayihiisa ciyaareed. (Daily Star).

Waxaa kuu soo ururiyay: Cabdisamed Maxamed Xasan (Black Yare).

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close