Xiddiga bartilmaameedka u ah Chelsea oo xaqiijiyay inuu la kulmay tababaraha cusub ee Blues Antonio Cote

koo

(Roma) 08 Juunyo 2016. Xiddiga qadka dhexe ee kooxda AS Roma oo bartilmaameed u ahaa Chelsea ayaa daaha ka rogay inuu la kulmay tababaraha cusub ee kooxda Antonio Conte.

Wuxuuna ka hadlay wiilka reer Belgium rabitaanka tababaraha reer Talyaani uu mar uun ku doonayo inuu la shaqeeyo.

Wuxuu kaloo sheegay in saaxiibadiisa xulka ee Eden Hazard iyo goolhaye Thibaut Courtois oo ka tiran Chelsea ay ku qalqaaliyaan inuu kooxda kula soo biiro xilliga ay gudanayaan waajibaadka qaranka.

ko

“Antonio Conte wuxuu I daba socday xoogaa waqti laga joogo wuuna I doonayay markii uu joogay Juventus,” Sidaa ayuu u sheegay jariiradda ka soo baxda dalkiisa ee HLN.

“Wuxuu ii sheegay ciyaaryahan ceynkee aan u noqon karayaa isaga waxaana dareemayaa inuu dhab ahaan I doonayo.

“Weli, waxaa ii harsan 12-bilood waan arki donaa waxa uu la yimaado usbuucyada soo sacda.

“Thibaut Courtois iyo Eden Hazard waxay kolhoreba I waydiyeen inaan imaado Chelsea laakiin iminka wareegis suuro gal ah maankeyga kuma jirto.

“Waxaan iminka si buuxda diirada u saarayaa Euro waxaana doonayaa inaan ciyaaaro koob fiican isla markaana inaan ilaawo niyad jabkii koobka adduunka.”.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close