Waa sidee xaalada Chris Smalling kaddib dhaawicii soo gaaray?

England v The Netherlands - International Friendly - Wembley Stadium

(Paris) 08 Juun 2016. Dhaawicii dhowaan soo gaaray Chris Smalling ayaa la soo warinayaa in uusan halis ahayn.

Daafaca Manchester United ayaa waxaa la arkay isaga oo lugtiisa baraf saaraya intii lagu guda jiray tababarkii saddexdda libaax.

Dhaawacaas waxa uu gil gilay England kahor kulanka ay Russia 11-ka bishan la leeyihiin waxaana ku dhici kara daafac yare siiba waaxda dhexe.

Ha yeshee, kooxda caafimaadka England ayaa la qabaa in aysan walaac ka qabin dhibaatada dhaawac ee Smalling waxa ayna filayaan in uu si caadi ah tababarka ugu soo laaban doono waqtiga ugu dhaqsiyaha badan.

Smalling waxaa la filayaa in uu ka garab dheelo Gary Cahil ama John Stones kulanka furitaanka ee sabtida, waloow Eric Dier uu isna buuxin karo kaalintaas.

Ryan Bertrand ayaa ka maqnaa tababarkii ugu dambeeyey ee xulka England.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close