“Waa fursad gaad,” Dani Carvajal oo duqeeyey Jose Mourinho

dani-carvajal-3005

(Madrid) 08 Juun 2016. Dambeedka midi gee Real Madrid Dani Carvajal ayaa weeraray Jose Mourinho oo uu ku tilmaamay ‘Fursad gaad’.

Mourinho oo dhowaan loo magacaabay xilka tababare ee Manchester United ayaa iibiyey Carvajal sanadii 2012 waagaas oo uu ku sugnaa Madrid.

24 jirka sanad ayuu Bundesliga ku soo qaatay kahor inta uusan ku soo laaban Real Madrid.

Portugues-ka waxaa lagu dhaleeceeyey iibinta hibooyin da’yar sida Romelu Lukaku iyo  Kevin De Bruyne, hada waxaa weeraray Carvajal.

= “Mourinho waxa uu ahaa xogaa mid fursadiiste ah,” ayuu Carvajal u sheegay Marca. “Markii aan soo laabtay waxa uu dhahay waan u baahnaa sanadkaas dibada ahaa, hadii aanan wax wanaagsan soo sameyn lahayn waxa uu dhihi lahaa uma qalmin u ciyaarida Madrid.

 “Hadii ay dhici lahayd, oo aan wacnaa. Hadii aysan dhici laayn, waaan xunaa. Waxaan qabaa in mar walba aan ahaa mid u wanagsan safka kowaad.”

Mourinho qandaraas saddex sano ah ayuu qalinka ugu duugay kooxda ku dheesha Old Trafford.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close