Pele oo saadaaliyay in xulka qaranka ingiriisku uu gaari doono final-ka euro 2016

(Paris) 08 Juunyo 2016 Halyeeygii reer Brazil ee Pele ayaa saadaaliyay in xulka qaranka ingiriisku ay gaari doonaan final-ka koobka qaramada qaarada yurub ee 2016.

Pele ayaase ka gaabsaday in xulka ingiriisku uu qaadi karo euro 2016 isaga oo sidoo kale saadaaliyay in Spain ay soo gaari doonto Final-ka.

Xulka ingiriiska ayaa kulankiisa ugu horeeya sabtiga la ciyaari doona xulka qaranka Russia, wuxuuna ka mid yahay xulalka ugu awooda badan Euro sanadkaan.

“Sida caadada ah koobka waxaa ka soo muuqanaya magacyo waa wayn sida England iyo Germnay” ayuu u sheegay Talk Sport.

“England waxay haystaan ciyaartoy badan oo cusub, laakiin waxaan aaminsanahay inay qayb ka noqon doonaan 2-da koox ee soo tiigsanaya Final-ka, laakiin aad ayeey u adagtahay haatan inaan iraahdo way ku guulaysanayaan koobka”.

“Haddii aan qiyaaso hal ama 2-da xul ee ku guulaysan kara Euro 2016 waa England iyo Spain”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close