Maxaa ka jira in heshiiskii uu Pep Guardiola ugu biiray City ay ku jiraan qodobo xanibaad ku ah saxiixyada uu sameyn karo?

pep_guardiola_things_2

(Manchester) 08 Juun 2016. Waxaa jiray warar la isla dhex marayey oo sheegayey in heshiiskii uu Manchester City ugu biiray Pep Guardiola in ay ka mid ahayd hareer marida xiddigaha Bayern Munich isaga oo aan la soo saxiixan karin mid ka mida.

Douglas Costa ayaa toddobaadkii hore sheegay in Guardiola laga mamnuucay la soo wareegida xiddiagaha Bavaria.

Hayeshee, sida laga soo xiganayo Press Association Sport, Manchester City waxa ay wararkaas ku micneesay kuwo aan sal iyo raad lahayn.

Guardiola ma qaban doono xilka tababare ee City ilaa uu idlaado qandaraska uu kula jiro Bayern oo ku eg bisha dambe balse waxa ay City durbaba bilowday saxiixyadiisa.

Waxa ay la soo wareegeen Ilkay Gundogan halka ay qarka u saaran yihiin Pierre-Emerick Aubameyang.

Gool FM.

Xariir La Leh

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close