James Rodriguez oo si maldahan ula hadlay Real Madrid: marwalba waxaan doonayaa inaan ciyaaro”

(America) 08 Juunyo 2016 Laacibka Real Madrid iyo xulka qaranka Colombia James Rodriguez ayaa si maldahan ula hadlay kooxdiisa kadib guushii uu ku hogaamiyay xalay xulkiisa qaranka.

James oo dhaawac dhanka garabka ah ku ciyaarayay kulankii xalay ayaa hal gool u dhaliyay xulkiisa isaga oo ku guulaystay laacibkii ugu fiicnaa ee ciyaarta.

24 jirkaan oo ka gadoodsan keydka uu uga jiro kooxdiisa ayaa sheegay inuu doonayo inuu ciyaaro marwalba, waxaana xusid mudan inuu keydka ku dhamaystay Final-kii Champions League.

“Aad ayaan ugu faraxsanahay halkaan (Xulka qaranka), waan ciyaarayaa xitaa haddii aan dhaawac ahay, waxaan doonayaa inaan ciyaaro marwalba oo aan caawiyo xulkayga” ayuu yiri James Rodriguez dhamaadkii ciyaarta.

James oo ka hadlay goolkii uu dhaliyay ayaa yiri:

“Waxaan aaminsanahay inaan inbadan ku tababarto sidii aan u dhalin lahaa goolal nuucaas oo kale ah, marka aan inbadan tababar qaato sidaan oo kale ayaa dhacda”.

Gool FM

Xariir La Leh

Leave a Reply

Close